WARARKA MAANTA Feebaraayo 18, 2017
Su’aasha Maanta: Mudane Madaxweyne Farmaajo, Maxay Ummadda Soomaaliyeed u taageersan tahay 92.6% in aad Raysal Wasaare u magacaawdo Xildhibaan Axamed Macallin Fiqi oo horay u soo noqday Safiir iyo Taliyihii Hay’adda Nabad-Sugidda Qaranka Soomaaliyeed oo uu hawl hufan iyo hawl-karnimo ku hoggaaminayey? Fadlan Ummadda Soomaaliyeed ayaa ku qasabtay inay labada gole ku doortaan haddaba waa in aad ogaataa inay inay Ummadda Soomaaliyeed 92.6% in aad Raysal Wasaare u magacaawdo Xildhibaan Axamed Macallin Fiqi waa haddii aad rabto dowlad dadka iyo dalka u daacad ah oo ay la wada-shaqayn doonaa Ummadda Soomaaliyeed gudaha dalka iyo dibaddaba.
Muqdisho Feebaraayo 18, 2017Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed ayaa lagu wadaa in uu soo magacaabo Ra’iisulwasaaraha cusub ee Soomaaliya.
Siyaasiyiin aad u farabadan ayaa ku haminaya sidii ay noqon lahaayeen Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya.
Siyaasiyiinta sida weyn u la socda siyaasadda Soomaaliya ayaa sheegaya in ay suurta gal tahay in Madaxweyne Farmaajo uu midkood uu ra’iisulwasaare uu u magacaabo Axmed Macalin Fiqi oo ah xildhibaan ka tirsan golaha Shacabka. Iyo Cabdinaasir Cabdulle Jaamac
Run ahaantii Denjire Axmed Macalin Fiqi ayaa horay usoo noqday Taliyihii Hay’adda Nabad suggida iyo sirdoonka Qaranka.
Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in suurta gal tahay in madaxweyne Farmaajo uu Ra’iisulwasaare uu u xusho Cabdinaasir iyo Axmed Midkood.
Cabdinaasir Cabdulle Maxamed ayaa ah nin ku cusub siyaasadda , islamarkaana u tartamayay xilka Madaxtinimada Soomaaliya.
Muqdisho Feebaraayo 18, 2017 Madaxweynaha cusub ee dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa la sheegay in uu amar ku bixiyay in mushaaraadka la siiyo ciidanka dowlada Soomaaliya oo mudo 8-bilood ah qaarkood wax mushara ah la siin.
Ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa shalay la siiyay mushaarkii ugu horeeyay ay helaan mudo 8-bilood , waxaana mushaarkan la siiyay ciidanka booliiska uu yahay hal bil kaliya, waxaana wali ka maqan ciidanka mushaar iyo xaquuqo kale ay lahaayeen.
Mushaarka ciidanka booliiska Soomaaliya waxaa bixiya Dowlada Federaalka Soomaaliya Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta barnaamijyada(UNDP), mushaarka hada la siiyay ciidanka booliiska ayaana ahaa kan ay bixiso dowlada Federaalka.
Saraakiisha ciidanka booliiska ayaa soo dhaweeyay bixinta mushaaraadka ciidanka booliiska, waxa ayna muujiyeen in rajo wey ka qabaan in si joogto ah u helaan Mushaarkooda maadama la doortay Madaxweyne Farmaajo oo looga bartay taageerida ciidanka qalabka sida.
Dowlada cusub uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa laga sugayaa in ay xooga saarto bixinta Mushaaraadka ciidanka dowlada, waxaana guusha Farmaajo si weyn usoo dhaweeyay ciidanka qalabka sida kuwaa oo aaminsan in Madaxweynaha ka heli doonaan mushaarkooda.
Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Farmaajo ayaa balan qaadyadii uu sameeyay waxaa ku jiray in xooga uu saarayo bixinta mushaaraadka ciidanka qalabka sida iyo sidii loo dhisi lahaa ciidanka Xooga Soomaaliyeed si ay ula wareegaan amaanka guud ee dalka.
Muqdisho Feebaraayo 18, 2017 Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare ee Dalka Caydiid Cabdullaahi Ilka Xanaf ayaa ka hadlay doorashadii dhawaan ka dhacday magaalada Muqdisho ee lagu doortay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Ilka Xanaf ayaa sheegay in doorashada dhacday iyo qaabka loo marayba aysan sharci iyo Dastuuri midna ahayn hasa yeeshee ay wax wanaagsan oo ah in la doortay madaxweyne loo baahanyahay oo dalka iyo dadka samata bixinkara ay kasoo baxeen,isagoo hadalkiisa intaa ku daray in dalku uusan sharci ka jiri tan iyo markii isagau iscasilay.
Madaxweynaha Cusub ee la doortay ayuu sheegay in looga baahanyahay inuu dalka kusoo dabaalo sharci uuna soo celiyo dadkii uu sheegay in sida sharci darada ah xilka looga qaaday oo isagu uu ka mid yahay isagoo tusaale usoo qaatay In qodobada xil ka qaadistiisa loo cuskaday qaarkood ay awood siinayeen isaga.
Caydiid Ilka Xanaf oo sii hadlaya ayaa waxaa uu kula taliyey Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Baarlamanka Soomaaliyaba in looga baahanyahay inay hagaajiyaan Garsoonka,Caddaaladda iyo Dastuurka dalka,Si gaara Madaxweynaha ayuu ugu baaqay in laga doonayo inuu dhiso guddi dhameystira dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya uuna madaxweynuhu sameeyo sharci iyo Garsoor Caddaalad ku dhisan.
Caydiid Ilka Xanaf ayaa muddo soo ahaa guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Soomaaliya waxaana dhawr mar oo ay is qabsadeen madaxweynihii waqtigaa ee Xasan Sheekh ugu dambeyntiina waxaa uu ku dhawaaqay inuu is-casilay,marka la eego qof ahaanna waa nin wax badan ka yaqaanna arimaha garsoorka,Caddaaladda iyo sharciyada dowliga ah.
Shabeele Feebaraayo 18, 2017 Ciidamo la sheegay in ay ka tirsan yihiin Milatariga Soomaaliya ayaa Gobolka Shabellaha Hoose gaar ahaan inta u dhaxeysa Walanweyn iyo Tixsiile waxaa ay ku Kufsadeen Dumar saarnaa Gaari nuuca Caanaha qaada ah islamarkaana ka baxay Magaalada Muqdisho.
Mid ka ah Ehelka Hawenka la Kufsaday ayaa sheegay in Gabdho ay Ehel yihiin la iskugu daray Kufsi iyo dhac.
Qofka Warka sheegay ayaa ku eedeeyey kufsiga caanooleyda Guuda 6-aad ee Ciidanka xooga dalka Somalia in ay ka danbeeyen falkan lglakacy shacbka.
Waxaana uu codsadey in arintaan ay soo faragaliyaan Madaxda Dolwada Somalia oo la sheegay in wax loogu dhimayo Sumcada ciidanka.
Jowhar Feebaraayo 18, 2017 Maamulka Gobolka Sh/Dhexe iyo Kan degmada Jowhar ayaa waxa ay koormeer ku tageen Dekedihii hore ee qadiimiga ahayd ee Degmada Cadalle ee gobolka Sh/Dhexe.
Masuuliyiinta ayaa waxa ay soo kormeereen qeybaha kala duwan ee Dekeda ka kooban tahay iyo sida iminka loo dayactiri karo, Waxana koormeerkooda ku wehlinaayay Ganacsato.
Masuuliyintii kormeertay Dekeda ayaa sheegay in loo baahan yahay in deg deg loo dayactiro isla markaana si Wadajir ah loogu wada qeyb qaato.
Guddoomiyaha Gobolka Sh/Dhexe Axmed Meyre Makaraan ” Axmed Faal” ayaa Warbaahinta u sharaxay sida ay bulshada gobolka Sh/Dhexe ugu baahan yihiin Dekedaan.
Waxa uu sidoo kale sheegay in Maamulka Hirshabeelle qorshaha ugu horeeyo ee uu qabanayo in ay tahay dib u furida iyo dayactirka Dekedaan.
waxa uu sidoo kale sheegay in Maamulka hirshabeelle ay isla garteen in sida ugu dhaqsiyaha badan loo furo Dekeda.
Banjul GabiaFeebaraayo 18, 2017 Madaxweynaha cusub ee Gambia, Adama Barrow, ayaa si rasmi ah loogu caleemo saari doonaa caasimadda Banjul, halkaas oo ay ka dhici doonaan dabaal degyada lagu xusayo 52 guuradii madaxbannaanida dalka.
Barrow waxa bishii hore lagu dhaariyey safaaradda Gambia ku leedahay dalka ay olloga yihiin ee Senegal ka dib markii ninkii mudada dheer dalka ka talinayey diiday inuu xilka iskaga dego markii doorashada lagaga adkaaday.
Gambia waxay madaxbannaanidiisu 52 jirsanaysaa manta laakiin Adama Barrow wuxu noqonayaa madaxweynihii saddexaad ee mudaa dalku yeesho.
Wuxu ballan qaaday inuu waa cusub u bariin doono dalkan mudada dheer uu gacanta bira ku hayey Yahye Jammeh.
Jammeh waxa lagaga adkaaday doorashadii dhacday bishii Diisember, laakiin xilka wuu isku sii dhejiyey ilaa xoogag ka tirsan ciidamo goboleedka Galbeedka Afrika ay ku dirqiyeen inuu xilka ka dego.
Gambia waxay haatan ku biiri doontaa ururada caalamiga ah ee ay ka midka yihiin Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah iyo Ururka Barwaaqo Sooranka.
Kumanaan qof ayaa la filayaa in ay ka qayb galaan xafladda caleemo saarka oo ka dhicci doonta garoonka weyne ee kubbada cagta ee ku yaal caasimadda.
Muqdisho State Feebaraayo 17, 2017Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta kulan gaar ah waxa uu la qaatay Danjiraha dalka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Mudane Stephen Schwartz.
Kulanka dhax maray Madaxweyne Farmaajo iyo Danjiraha Mareykanka ayaa looga wada hadlay arimo kala duwan ay ka mid tahay sidoo dowlada Mareykanak uga taageeri laheed dowlada cusub ee Soomaaliya dhinacyada amniga, mushaaraadka ciidamada iyo gurmadka abaaraha .
Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Danjire Schwartz kaalinta dowladda Mareykanka ay ka ciyaareyso xoojinta dowladnimada Soomaaliya, waxa uuna ka codsaday in ay sii kordhiyaan taageeradooda si dalka loogu soo dabbaalo nabad waarta iyo nolol wanaagsan.
Danjire Schwartz ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweyne Farmaajo guushii uu ka gaaray doorashadii 8da Febraayo, waxa uuna sheegay in dowladdiisu diyaar u tahay in ay garab is taagto ayna taageerto dowlada cusub.
Ugu dambeyn Danjire Stephan Scharwartz ayaa guddoonsiiyay Maaxweyne Farmaajo koofiyad ka kooban labada midab ee calanka Soomaaliya ee buluuga iyo caddaanka ah oo lagu soo qoray ‘Soomaaliya mar kale ka dhig dal magac leh.
WARARKA MAANTA Feebaraayo 17, 2016
Su’aasha Maanta: Maxuu Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdillaahi Farmaajo u magacaawi layahay Raysal Wasaaraha cusub? Boqolkiiba 89.8% Ummadda Soomaaliyeed waxay taagersan yihiin inuu Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdillaahi Farmaajo u magacaabo Taliyihii hore ee Nabadsugidda Denjire Axmed Macallin Fiqi inuu noqdo Raysal Wasaara cusub waa haddii uu Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdillaahi Farmaajo rabo wada shaqaynta Ummadda Soomaaliyeed si ay uga xoroowdo shisheeyaha qaska iyo fowdada ku soo hayey Ummadda Soomaaliyeed.
South West State Feebaraayo 17, 2017 Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa xilkii ka qaaday wasiir ka mida Golihiisa Wasiirada.
Shir ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirada maamulka Koonfur Galbeed ayaa la shaaciyay in xilkii laga qaaday Wasiirka Diinta iyo Awqaafka Koonfur Galbeed Axmed Macalin Barre iyadoo lagu eedeeyay inuu isaga xilkii ka tegay.
Wasiirkan oo ugu dhawaaqay inuu is casilay, dhinaca kalena ah xildhibaan ayaa ka mida xildhibaano wada olole mooshin xilka looga qaadayo Shariif Xasan Madaxweyne, isagoo sheegay inuu Shariif Xasan sharci darro ku heysto Koonfur Galbeed, isla markaana maamulkaasi ka dhigay mid hal qof ku daneysto.
Mooshinka lagu doonayo in xilka looga qaado Shariif Xasan ayuu wasiirka xilka laga qaaday dhowaan sheegay inay xildhibaanada saxiixay gaarayaan 97, isla markaana ay dhowaan u yeeri doonaan Shariifka.
Nairobi State Feebaraayo 17, 2017 Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo shir jaraaid ku qabtay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa waxa uu ka hadlay xil wareejintii Madaxweynaha ee shalay ka dhacday madaxtooyada Soomaaliya, kadib markii Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud uu xilka ku wareejiyay Madaxweynaha cusub Farmaajo.
Waxa uu sheegay wax lagu farxo in ay aheyd in guul iyo si nabad ah ay ku soo dhamaato Doorashadii Soomaaliya, isagoo sidoo kale sheegay xil wareejintii shalay cadeyn in ay u tahay Soomaaliya oo ku taalla Geeska Afrika in ay ku soo laabatay wadadii saxda aheyd.
Uhuru Kenyatta ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), oo si Dimuquraadi ah ugu guuleystay Doorashadii 8-dii Bishan ka dhacday Magaalada Muqdisho, shalayna uu si toos ah ula wareegay xilka Madaxweynaha.
“Qaabka Doorashada loo sameeyay waxa ay aheyd mid wanaagsan, amniga inta ay Doorashada socotay waxa uu ahaa mid ay iska kaashanayeen Ciidanka Dowladda Federalka iyo Howlgalka AMISOM, Soomaaliya waxa ay ku soo laabatay wadada saxda ah” Ayuu yiri Uhuru Kenyatta.
Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay iskaashiga u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya in hada uu yahay mid wanaagsan, isagoo Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay in uu sii xoojiyo, si loo gaaro guulo muhiim ah.
Ugu dambeyntii Madaxweyne Kenyatta ayaa sheegay Doorashadii Soomaaliya ka dhacday in ay rajo wanaagsan u aheyd dadka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka, maadaama ay ku dhacday si nidaam ah oo aysan jirin arbushaad iyo waxyaabo kale
Muqdisho State Feebaraayo 17, 2017 Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa waxa uu sheegay dalka in ay ka dhacday Doorasho, si nabad gelyo ahna ay ku soo dhamaatay, waxa uu uga digay Booliska in ay ku mashquulaan waxyaabo aanan shaqadooda aheyn.
Sidoo kale Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa sheegay Booliska in laga doonayo in uu ka warqabo xaalada uu dalka ku sugan yahay, maadaama nabad gelyada guud ee dalka uu xil ka saaran yahay, loona baahan yahay in mar walba ay ka shaqeeyaan.
Waxa uu sheegay Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Gen. Mukhtaar muhiim in ay tahay dhaq dhaqaaqa in lala socdo, si looga hortago la isagana difaaco kooxaha mararka qaar weerarada iyo Qaraxyada geysta.
Doorashadii Soomaaliya ka dhacday waxaa si weyn ugu lifaaqnaa Ciidanka Dowladda Federaalka, gaar ahaan kuwa Booliska, maadaama dhowr jeer oo hore lagu eedeynayay in ay gafeen shaqadooda oo ay ku dhex milmeen Doorashada.
Khaatumo State Feebaraayo 17, 2017 Madaxweynaha maamulka Khatumo Cali Khaliif Galeyr oo dhawaan dalka jabuuti hehsiis kula soo galay maamulka soomaaliland ayaa waxa uu ugu danbeyn shaley dib ugu soo laabtay gobolka sool.
Cali khaliif ayaa diyaaradi siday waxaa laga celiyay garoonka magaalada Buuhoodle waxaan diyaarada ay u weecatay magaalada laascaanood.
Madaxweynaha khaatumo ayaa doonayay in heshiiska uu ka hergeliyo deeganada khaatumo gacanta ay ku heyso balse waxa uu caqabado xoogan kala kulmayaaa siyaasiin iyo saraakiil ka soo jeeda khaatumo kuwaa oo u arka cali in kaligiisa tahashaday.
Warar hoose oo ay heleyso idaacadda Simba ayaa ku waramaya in cali khaliif loo diidan yahay in uu tago deeganada khaatumo arintaana waxaa ka sahqeynaya wasiiro ka tirsan maamulka khaatumo oo laga qadiyay heshiiski jabuuti.
Puntland State Feebaraayo 17, 2017 Xeer ilaaliyaha guud ee maamulka Puntland Maxamuud Xasan Aw-cusmaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay dhowaanahan Degaanada Maamulka Puntland uu ka aramiyo in ay ku bateen Tacadiyada kufsiga la xiriira.
Waxa uu sheegay Tacadiyadan in ay gaareen heerkii ugu sareeyay loona baahan yahay in la iska kaashado sidii looga hortagi lahaa, loona baabi’in lahaa.
Maxamuud Xasan Aw-cusmaan ayaa sheegay Tacadiyada ka dhacay Maamulka Puntland in ay gaarayaan 123 kufsi.
Dhanka kale Xeer ilaaliyaha guud ee maamulka Puntland Maxamuud Xasan Aw-cusmaan ayaa carabka mariyay falal dambiyeedyadii ka dhacay Degaanada Puntland, sida falalkii shilalka ahaa ee ka dhacay Puntland.
Baydhabo Feebaraayo 17, 2017 Wasiirka diinta iyo awqaafta maamulka Koonfur Kalbeed Macalin Axmed Maxamed ayaa ka horyimid xil ka qaadis madaxwayanaha maamulkaasi uu kusameyay.
Wasiirka ayaa sheegay in aysan waddo sax ah loo marin xil ka qadistiisa isaga oo meesha ka saaray sharci ahaanshiyaha golaha wasiirada maamulka Koonfur Galbeed.
Axmed ayaa sidoo kale kamid ah xildhibaannada maamulka Koonfur Kalbeed ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay sheegay inuuba jirey khilaa u dhaxeeyey Madaxweyne Shariif Xasan iyo sidoo kale xildhibaannada baarlamaanka maamulkaasi.
“In xilka la iga qaado waddo sharci ah looma marin, Shariif isagaba ayaaba baarlamaanka laga doonayey, isaga oo taas ka leex leexanaya ayuu sheegay in si aan sharci ahayn xilkii iiga qaaday”
Shariif Xasan Sheekh Aadan, madaxweynaha K/galbeed ayaa wareegto uu soo saaray xilkii kaga qaadey Macalin Axmed Maxamed oo ahaa wasiirka diinta iyo awqaafta ee maamulkaasi.
WARARKA MAANTA Feebaraayo 16, 2016
Su’aasha Maanta: Ma waxaan soo dhawaynaa Dowladda Wada Dadban? Mise Doorasho dadban oo dhalisay laba gole oo dadban kuwaasoo dhalay madaxweyne dadban Mudane Maxamed Cabdillaahi Farmaajo? Haddaba ku soo dhawaada hee “Dowladda Wada Dadban!”
Muqdisho Feebaraayo 16, 2017 Magaalada Muqdisho gaar ahaan Madaxtooyada Soomaaliya waxaa maanta ka dhaceysa Munaasabada xil wareejinta Madaxweynaha Soomaaliya.
Madaxweynhii Soomaaliya Afartii sano ee la dhaafay Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ku wareejin doona Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo Arbacaii ina dhaaftay lagu doortay Magaalada Muqdisho.
Munaasabada xil wareejinta ayaa waxaa ka qeyb geli doona Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) qaar ka tirsan xubnaha Labada Gole ee Dowladda Federaalka, xubno ka socda Beesha Caalamka iyo marti sharaf kale.
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Shadoor Xaaji ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in xil wareejinta ay bilaaban doonto 09:00 subaxnimo, si weyna loogu diyaar garoobay.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajiyo iyo Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo shalay kulmay ayaa waxa ay ka wada hadleen xaaladda dalka uu ku sugan yahay, muhiimadda Dowladda cusub, fursadaha hor yaalla xiligaan iyo xil wareejinta maanta dhaceysa.
22-ka Bishan oo ku beegan Arbacada soo socota ayaa waxaa dhici doonta Munaasabada Caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, taasi oo ay ka soo qeyb gali doonaan Madax ka socota dalalka Afrika iyo xubno kale.
Muqdisho Feebaraayo 16, 2017 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmajo) oo maalmahan kulamo la lahaa Safiirrada dalalka shisheeye ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ayaa maanta qaabilay Safiirka Sweden Mudane Mikael Lindvall, waxa ayna ka wada hadleen sidii dowladda Sweden ay uga qeyb qaadan lahayd abaaraha ku dhuftay guud ahaan dalka Soomaaliya, amniga, maalgashiga iyo adkeynta xiriirka labada dal.
Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaa jira ku dhawaad 3 milyan oo ruux oo ay abaaruhu saameeyeen. Waxaan u baahannahay waxqabad degdeg ah maadaama aysan dadka haatan sugi karin ballan qaadyo fulintooda ay waqti dheer qaadan karto. Waxaan dowladaha saaxiibka ah oo ay Sweden ugu horreyso ka codsanayaa in ay kaalmo degdeg ah lasoo gaaraan dadka ay abaaruhu saameeyeen.”
Danjire Lindvall ayaa madaxweynaha ugu hambalyeeyay guushii doorashada isaga oo sheegay in ay dowladdiisu diyaar u tahay in ay kaalin mug leh ka qaadato gurmadka abaaraha Soomaaliya. Waxyaabaha kale ee ay ka wada hadleen ayaa waxaa kamid ahaa tayeynta laamaha amniga, maalgashiga ay dowladda Sweden ku sameyso kaabayaasha dhaqaalaha iyo xoojinta xiriirka labada dal.
Gebogabadii kulanka, Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay safiirka Sweden taageerada ay dowladdiisu ka geystay soo dhaweynta qaxootiga Soomaaliyeed iyo sida uu dalkaasi mar walba u garab taaganyahay hagaajinta dowladnimada Soomaaliya.
Muqdisho Feebaraayo 16, 2017 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khadka telefoonka kula hadlay Boqorka Sucuudi Carabiya Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis Aala Sucuud, waxaana boqorka uu ugu hambalyeeyay guushii uu ka gaaray doorashadii dhacday 8dii bishan.
Madaxweyne Farmaajo iyo Boqor Salmaan ayaa ka wada hadlay iskaashiga dowladaha Soomaaliya iyo Boqortooyada Sucuudiga, waxa uuna ka codsaday in la xoojiyo xiriirka labada dowladood ee walaalaha ah.
Madaxweynaha ayaa boqorka uga warbixiyay xaaladda abaaraha dalka ka jira iyo in Boqortooyada Sucuudiga ay ka qeyb qaadato sidii loogu gurman lahaa shacabka Soomaaliyeed ee haatan ku nool duruufo aad u qallafsan.
Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis ayaa soo dhaweeyay codsiga Madaxweynaha, waxa uuna sheegay in ay xukuumaddiisa ka qeyb qaadan doonto hawlaha loogu gurmayo dadka iyo xoolaha ku baaba’ayo abaaraha xun ee ka jira guud ahaan gayiga Soomaaliyeed.
Dhammaad
Garoowe Feebaraayo 16, 2017 C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole) oo horey u soo noqday Madaxweyihii hore ee Maamulka Puntland, kana mid ah Baarlamaanka Soomaaliya oo shalay dib ugu laabtay Magaalada Garowe ayaa Madaxda Madasha ugu baaqay in aanay ku mashquulin Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.
Waxa uu sheegay Faroole muhiim in ay tahay in fursad la siiyo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), si uu u soo xusho Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.
Sidoo kale waxa uu sheegay sababta uu uga tagay Magaalada Muqdisho in ay tahay dad culeys ku haya awgeed, in aanay u isticmaalin in uu fara-geliyo cida uu soo magacaabayo Madaxweynaha Soomaaliya.
Xildhibaan C/raxmaan Faroole ayaa shacbiga Soomaaliyeed ugu baaqay in ay taageeraan Madaxweynaha cusub, iyadoo aanu buurnayn dhaqaalaha ay haysato Dowladda Federaalka.
Ugu dambeyntii C/raxmaan Faroole, ayaa Madaxda Maamul Goboleedyada ugu baaqay in ay u adeegaan bulshadooda ay Abaaruhu halakeeyeen, oo aanay ku mashquulin shaqada Madaxweyne Farmaajo.
Muqdisho Feebaraayo 16, 2017 Madaxweynihii hore ee DFS, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu maanta Xilka ku wareejiyo Madaxweynaha cusub, Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyadoo Munaasabadaasi ka dhici doonto Xarunta Madaxtooyadda ee Villa Somalia.
Xil-wareejinta kadib, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mas’uuliyiinta kale ee isaga la shaqeynaysay waxay faarujin doonaan Villa Somalia, si ay taasi ugu gogol-xaarto in Madaxweyne Farmaajo si rasmi ah uga hawl bilaabo Villa Somalia.
Ilo-wareed lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyey in Xasan Sheekh Maxamuud qorsheynayo inuu safar ugu ambabaxo dalka Tanzania ama Turkiga, si uu muddo 6 bilood ugu soo nasto.
Waxa uu la midoobi doonaan Qoyskiisa oo iyagu ku kala nool Turkiga iyo Tanzania.
Madixii ugu sarreeyey Xafiiska Madaxtooyadda ee Villa Somalia ayaa isagana ku wajahan Maraykanka, halka Ku-xigeenkiisa la sheegay inuu doonayo inuu dib ugu laabto Hay’adda Barnaamijka Cuntada Adduunka “WFP” oo uu horey uga shaqeynayey in ka badan 10-sanno.
Madixii Hab-maamuuska ee Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isagana la sheegay inuu dib u degi doono dal ku yaalla Europe.
Madixii Warfaafinta ee Madaxtooyadda ayaa isagana la sheegay inuu ku wajahan yahay dalka Koonfur Afrika.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Xilka Wareejinayo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu 6 bilood kadib ku soo laabto dalka, maadaama uu yahay Xildhibaan tan iyo inta uu nool yahay, sida ku cad Qoddobka 64-aad, farqadiisa 4-aad ee Dastuurka KMG ee Somalia.
Si kastaba ha ahaatee, dhamaan Madaxweynihii iyo Ra’isul-wasaarayaashii dalka soo maray waxay intooda badan ku noolaadaan Dibedda marka uu Xilli-hawleedkoodu dhamaado.
Madaxweynihii ugu horreeyey Somalia, Allaha U Naxariistee Aadan C/lle Cusmaan “Aadan Cadde” ayaana ahaa Madaxweynaha keliya ee markii uu xilka ka degay aan marnaba ka dhoofin dalka hooyo.
Qoryooleey Feebaraayo 16, 2017 Ciidamada amisom ee ku sugan gobolka sahbeelaha hoose ayaa lagu soo waramayaa in degmada qoryooley ay ku toogteen nin shacab aha.
Ciidamada ayaa la sheegay in ninkaani ay si bareer ah risaas ugu fureen waxana a sheegay ninkaan kamidka aha dadka shacabka ee degmada qoryooley in ciidamada ay ka shakiyeen.
Ciidamada amisom ayaa marar badan dilal bareer ah ka geystay gobolka shabeelaha hoose.
Maamulka degmada QOryooley ayaa sheegay in ay baaritaan ku aadan arintaan ay smaeynayaan.
Muqdisho Feebaraayo 16, 2017 Ciidanka amaanka degmada wadajir ee gobolka banadir oo howlgalo ka sameyay xaley ila iyo sakaay aroorti xaafado katirsan degmada wadajir ayaa howlgaladaasi waxa ay ku sop qabqabteen dad badan oo lagu tuhunsan yahay in ay ka dambeyeen dil loogu geystay Nin Nabadoon ahaa Suuqa Weyn ee Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.
Allahu Naxariistee Nabadoon Muuse Ilka-weyne oo kamid ahaa Nabadoonada Soomaliyeed xili uu kasoo baxay Salaadii Maqrib sida idaacadda Simba ay u sheegeen dad ka agdhawaa goobta nabadonka lagu dilay kooxaha dilka u geystay Nabadoon Muse oo Ku Dhuftay dhowr xabadood ayaa goobta ka baxasaday inkasto daqiiqado kadib ay goobta soogaareen cidamo katirsan maamulka degmada wadajir waxaana howlagalo baritaano ah ay ka sameeyeen goobta dilaka uu ka dhacay.
Maamulka degmada wadajir ayaa xaqijiyay in gacanta ay ku so dhigeen ilaa iyo hadda shan ruux oo mamulku u tilmamay in ay ku eedeysan yihiin dilka Nabadoonka.
WARARKA MAANTA Feebaraaayo 14, 2017
Muqdisho Feebaraayo 15, 2017
1- In afarta sano ee soo socota uu u shaqeeynayo Shacabka Soomaaliyeed balse aanu ka shaqaysanaynin.
2- In uu ilaalinayo amaanada shacabka Soomaaliyeed.
3- In uu isku xirayo shacabka iyo dawladda si loo helo dawladnimo taam ah.
4- In uu dhisayo islamarkaana maalgalinayo Hay’adaha cadaalada iyo kuwa amaanka.
5- In la sameeyo hab loo heli karo kalsooni ay dadku dawladooda ku gacansiin karaan si loo tuso caalamka in dawlad shacabku dhistay ay ka hanaqaaday Soomaaliya.
6- In awooda dawladu gaarto dhamaan gobolada dalka Soomaaliya oo la arko canshuuraha badda iyo barriga oo si isku mid ah ugu soo xaroonaya khasnadda ama banka dhexe ee dawladda Soomaaliya.
Waxaa uu talo waydiistay shacabka Soomaaliyeed isagoo ka codsaday in xumaanta iyo dacaayadaha aan wanaagsanayn ku badaleen talo wax dhismo oo dalka Soomaaliya ka badbaadin karto dib u dhac kale.
Wixii talo ah dheeri ah halkaan ku soo gudbiya adinka oo qaadanaya talada Madaxwaynaha.
North Korea Feebaraayo 15, 2017Kim Jong-Nam wuxuu inta badan noloshiisa ku qaatay dibadda Kuuriyada WaqooyiLahaanshaha
Kim Jong-Nam wuxuu inta badan noloshiisa ku qaatay dibadda Kuuriyada Waqooyi
Nin ay walaalo yihiin hogaamiyaha Kuuriyada waqooyi Kim Jong Un ayaa la rumaysan yahay in uu ku dhintay Malaysia.
Ilo wareedyo Ingiriis ah oo ku dhow qoyska Kim Jong Nam ayaa BBC u sheegay in sun loo adeegsaday.
Mid ka mid ah warbaahinta Kuuriyada koofureed ayaa sheegtay in ninkaas ay laba dumar ah oo isticmaalay cirbado sumaysan ku dileen garoonka dayaaradaha ee Kuala Lumpur.
Meydkiisa ayaa la rumaysan yahay in baaritaan lagu samayn doono.
Kim Jong Nam ayaa ahaa wiilka ugu weyn carruurta hogaamiyihii hore ee Kuuriyada waqooyi Kim Jong
Muqdisho Feebaraayo 15, 2017 Hanti Dhowraha Qaranka oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxbo kama jiraan ku tilmaamay heshiiska ay Imaaraadka maamulka Somaliland kula galeen saldhigga Militari ee Berbera. https://www.youtube.com/watch?v=4PizWgrejjE
Muqdisho Feebaraayo 15, 2017 Wa